Madaxweynaha jamhuuriyada oo amray in waxbarasho madani ah iyo mid ciidan loo fidiyo dhallinyaradii qeybta ka ahayd colaaddii Marka

Date:

Muqdisho October 15 (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an tahay dhallinyaradan in ay qayb ka noqdaan geesiyaasha Soomaaliyeed ee u taagan inay Gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyaan argagigixisada Alshabaab ee hagardaamada iyo dhibaatada joogtada ah ku haya shacabka Gobolka.

“Dowladdu waxa ay dadaal ku bixinaysaa sidii aad u heli lahaydeen waxbarasho madani ah iyo mid ciidan, si la idiinku diyaariyo mustaqbal wanaagsan oo idiin horseedaya inaad hormuud u noqotaan difaaca iyo horumarka dalkiinna iyo dadkiinna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay dhibaatooyinka ay shacabku ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maaray, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in cadawga keliya ee caqabadda ku ah nolosha iyo horumarka shacabka deegaankan uu yahay nabaddiidka Alshabaab.

“Waan ka wada dharagsannahay dagaalka sokeeye dhibaatooyinka uu inoo gaystay. Waxaa laga dhaxlay dhallinyaro badan oo idinka oo kale oo dalkan wax tar u noqon lahaa in ay maanta god ku jiraan dagaal macno la’aan ahaa sartiis.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay waxgaradka Gobolka iyo guud ahaan bulshada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka miro dhalinta heshiiskan nabadeed ee soo afjaray colaaddii ka jirtay magaalada Marka, una istaagaan sidii mustaqbal ifaya loogu abuuri lahaa faca soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...