Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda dadka Naafada ah

Date:

Muqdisho October 13 (SNTV):- Golaha shacabka ayaa maanta akhrinta 1-aad marsiiyey hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo ay golaha u soo gudbisay wasaardda Haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ,waxa ay mudanayaashagolaha Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah, waxaana Xildhibaanada sharcigan muhiimada uu leeyahay iyo saameeynta maaliyadeed ee uu ku leeyahay miisaaniyada Dalka u faah faahisay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji, iyadoo golaha ka codsatay in sharcigan la ansixiyo.

Qaar ka mid Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda kadhiibtay hindise Sharciyeedka iyagoo qaarkood su’aalo hindise sharciyeedkan la xiriira weydiinayay Wasiirka Haweenka, waxaana Ma’uuliyiinta Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka jawaabeen su’aalaha ay xildhibaanada weydiinayeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad  oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise sharciyeedkan lagu wareejiyay gudiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka si uu waajibaadkiisu uga guto , sidoo kalena xildhibaan walba oo sharcigan daneynaya uu gudiga kala shaqeyn karo maadaamaa uu u fasaxayo xeer hoosaadka golaha shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...