Muqdisho (SNTV);- Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin MP, ayaa safarkii ugu horeeyay ku timid daba-yaaqadii todobaadkan Soomaaliya,iyadoona booqatay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Wasiirada Baldwin ayaa safarkeedi imaanaya,xilliย dhowaan safar ay ku timid Afrika Raโiisal Wasaaraha UK, Theresa May, iyadoo shaacisay taageero cusub ay u balan qaaday Soomaaliya, sidii looga xal gaari lahaa arrimaha ammaanka iyo xasiloonida.UK ayaa kamid ah sadeexda wadan ee ugu horeeya, deeq bixinta Soomaaliya.
Wasiirka UK ee Arrimaha Africa, Harriet Baldwin MP,waxay Muqdisho kulan kula qaadatay Raโisul Wasare Hassan Ali Kheyre, iyadoo ku boogadisay arrimaha hormarineed ay hirgelisay dowladda,waxayna balan qaaday inay Dowladda Ingiirska xoojineyso taageerada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kuna cel celisay mashaariicdii horumarineyd ee muhiimka ahaa oo ay hirgalisay Dowladda UK.
Booqashadan aya imaanayso,iyadoo goor sii horeysay ay Wasiirka shir Guddoomisayย kulan looga hadlayay arrimaha amniga Soomaaliya oo ka dhacay magaaladda New York.
Intii ay Muqdisho joogtay waxay booqatay xarunta Boooliska lagu tababaro taaso oo ay maalgaliso UK iyo xarumaha AMISOM, iyadoo ka codsatay wadamada aduunka in ay deeq bixintooda lacageed ku aadan AMISOM ay sii kordhiyaan.
Mar ay kulan la yeelatay wadamada adduunka ee deeq bixinta arrimaha baniโaadmiga ayey ku balanqaaday in ay UK safka hore ugu jirto arrimaha baniโaadmiga iyo deeq bixinta.
Mrs. Harriet Baldwin MP, aya waxay kale oo afka ku dhufatay balanqaadkii $60million ay ubalanqaaday Soomaaliya Raisul Wasaarajha UKย Theresa May sidii lagu horumarin lahaa mashaariic farabadan oo arrimaha biniโadminimadaย qeyb ka tahay.
Maalintii labaad ee boqashadeeda ayaa waxay socdaal ku tagtay magalada Hargeysa. Waxay shir laqadatay Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Muse Bixi, iyado kala hadashay Mashaariicdaย hormarineed, shaqa abuurka dhalinyarada iyo horumarka dhaqaalaha.
Hadal kooban oo ay jeedisay markii booqashada u soo dhammaaday ka dib ayaa waxay Tiri,โ
โMarki ugu horeysay aan booqasho ku imaado Soomaalia, waxa farxad ii aah in an la kulmay Raโiisal wasaare Kheyre. annigoo ka wada hadalnay arrimaha na quseeyo ee ah arrimahaย amaanka iyo horumarka Soomaaliya.UK waxaa ka goโan in ay caawiso Soomaaliya dhinaca amniga, sidii lo qaban lahaa doorasho dumuqraadi ah,taasoo qeyb weyn ka qaadaneyso horumarka dhinaca dhaqaalaha oo ay ubahantahay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedโ.

