Duqa Muqdisho iyo Safiirka Midowga Yurub oo ka wada hadlay Horumarinta Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Ku-simaha Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Pinji Gardiyola, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu Ururka Midowga Yurub siiyo M/mulka G/Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada Gobolka Banaadir, isagoo xusay muhiiddda ay leedahay in la sii xoojiyo.

“Midowga Yurub wuxuu Soomaaliya ka caawiyaa dhinacyo badan, Maamulka Gobolka Banaadir-na isagoo ka faaiideysanaya fursadahaas wuxuu ka helaa taageero joogto ah, maantana waxaan ka wada hadalnay sidii taageeradaas loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada horumarinta”.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mss Dyane epstein , iyagoo ka wada hadlay arrimaha barakacayaasha, horumarka Caasimadda, arrimaha Socdaalka iyo sidii IOM ay gobolka banaadir gacan uga siin lahayd shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu diiradda saaraya sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee ku bur-buray dagaalladii sokeeye, isla markaana bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...