Duqa Muqdisho iyo Safiirka Midowga Yurub oo ka wada hadlay Horumarinta Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Ku-simaha Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Pinji Gardiyola, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu Ururka Midowga Yurub siiyo M/mulka G/Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada Gobolka Banaadir, isagoo xusay muhiiddda ay leedahay in la sii xoojiyo.

“Midowga Yurub wuxuu Soomaaliya ka caawiyaa dhinacyo badan, Maamulka Gobolka Banaadir-na isagoo ka faaiideysanaya fursadahaas wuxuu ka helaa taageero joogto ah, maantana waxaan ka wada hadalnay sidii taageeradaas loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada horumarinta”.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mss Dyane epstein , iyagoo ka wada hadlay arrimaha barakacayaasha, horumarka Caasimadda, arrimaha Socdaalka iyo sidii IOM ay gobolka banaadir gacan uga siin lahayd shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu diiradda saaraya sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee ku bur-buray dagaalladii sokeeye, isla markaana bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika.

Muqdisho, Jannaayo, 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...