Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ku saabsan horumarinta Iskaashatooyinka iyo Ganacsiga xorta ah

Date:

Muqdisho (SNTV):– Shirka 12 aad ee  Iskaashatooyinka iyo horumarinta Ganacsiga xorta ah ayaa ka socda magaalada Abuja ee Caasimada Nigeria, waxaana Soomaaliya ku matalay shirkan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr GO)

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada ay hoos yimaadaan iskaashatooyinka Afrika kuwaas oo kasocda 27-wadan oo ku bahoobay Iskaashatooyinka Afrika iyo 18 dal oo korjoogta ka ah , Waxaan inta badan Wadamada Shirkaasi ka qeyb galayo ay yihiin kuwa ku jira Suuqa Xorta ah ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (COMESA).

Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Wershadaha Dowladda Federaalka ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay shirkaasi la tagtay qorsheheeda ku aada is hormarinta iskaashatooyinka iyo ka qeyb qaadashada Ganacsiga xorta ah isagoo sidoo kale Wasiirku la kulmay qaar kamid ah Wasiirada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb galayay kuwaas oo ay isku afgarteen hirgalinta iskaashi dhanka Ganacsiga ah oo ay la yeeshaan Soomaaliya.

Bishii July ee sanadkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu magaalada Lusaska ee dalka Zambia ku saxiixay in Soomaaliya ay ku biirto suuqa xorta ee bariga iyo Bartamaha Afrika ee COMESA waxaana la rumeysan yahay in Soomaaliya ay faa’iido wey ugu jirto ku biiritaankaasi maadaama ay heli dooonto suuq ay geyso badeecadaha iyo Wax soosaarka Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...