Wasiirka Amniga XFS oo tababar usoo xiray Askar ka tirsan Ciidanka Booliska

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta dugsiga tababarka Booliska ee Gen. kaahiye tababar ugu soo xiray 600 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa loogu talo galay Sugidda Ammaanka magaaladda Muqdisho, waxaana Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ku sugnaa Guddoomiyaha Maamulka gobolkq Banaadir, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Zakia Axmed, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Cutubyadii Tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay Gaada ka ciyaar Qurux badan iyo dhoola tus ka tarjumaya tababarka ay qaateen oo u socday muddo seddex bilood ah.

Ku-simaha Taliyaha ciidanka Booliska ahna Taliye ku-xiggeenka ciidanka S/guuto Zakia Axmed oo munaasabadda ka hadashay ayaa ciidankaasi kula dardaarantay inay noqdaan kuwa kasoo dhalaala waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u hambalyeey Ciidanka tababarka loo soo xiray, waxaana uu faray in si wanaagsan ay ula dhaqmaan Bulshadda, ayna u naxariistaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...