Ra’isul wasaare Kheyre oo booqday xarumaha waxbarasho ee dowladda

Date:

Muqdisho(SNTV) –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeray dugsiga sare ee Jabuuti oo kamid ah iskuulladii dhawaan ay dawladdu la wareegtay, ayaa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ku ammaanay hannaanka hufnaanta iyo dhaqsaha leh ee ay iskuulaadka ku gaarsiinayso buugaagta manhajka cusub ee waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiiru dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, ayaa mid mid u galay fasallada iskuulka oo ay ka socotay qaybinta buugaagta manhajka ay dhawaan dawladdu daah-furtay, waxa uuna xog-waraystay maamulka iyo macallimiinta iskuulka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay dhaqan gelinta waxbarasho lacag la’aan ah oo leh tayo sare.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulaha iskuulka kula dardaarmay in si hufan loo dhaqan geliyo manhajka si ardayda Soomaaliyeed uga faa’iidaystaan loona dhiso garaadka iyo aqoonta jiilka soo koraya.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guulaysatay hir-gelinta manhajka cusub iyo waxbarasho lacag la’aan ah si sare loogu qaado tayada waxbarashada, wiil iyo gabar kasta ee Soomaaliyeedna loo siiyo fursadda waxbarasho ee ay xaqa u leeyihiin.

Hir-gelinta nanhajka ayaa meesha ka saaraysa dhibaatadii lagu qabay manhajyadii kala duwanaa ee dibadda laga soo dhoofiyay, waxa uuna fudaynaa tayaynta waxbarashada, kormeerka iskuulladda iyo qaadista imtixaanka midaysan.

up

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...