Ra’isul wasaare Kheyre oo booqday xarumaha waxbarasho ee dowladda

Date:

Muqdisho(SNTV) –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeray dugsiga sare ee Jabuuti oo kamid ah iskuulladii dhawaan ay dawladdu la wareegtay, ayaa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ku ammaanay hannaanka hufnaanta iyo dhaqsaha leh ee ay iskuulaadka ku gaarsiinayso buugaagta manhajka cusub ee waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiiru dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, ayaa mid mid u galay fasallada iskuulka oo ay ka socotay qaybinta buugaagta manhajka ay dhawaan dawladdu daah-furtay, waxa uuna xog-waraystay maamulka iyo macallimiinta iskuulka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay dhaqan gelinta waxbarasho lacag la’aan ah oo leh tayo sare.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulaha iskuulka kula dardaarmay in si hufan loo dhaqan geliyo manhajka si ardayda Soomaaliyeed uga faa’iidaystaan loona dhiso garaadka iyo aqoonta jiilka soo koraya.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guulaysatay hir-gelinta manhajka cusub iyo waxbarasho lacag la’aan ah si sare loogu qaado tayada waxbarashada, wiil iyo gabar kasta ee Soomaaliyeedna loo siiyo fursadda waxbarasho ee ay xaqa u leeyihiin.

Hir-gelinta nanhajka ayaa meesha ka saaraysa dhibaatadii lagu qabay manhajyadii kala duwanaa ee dibadda laga soo dhoofiyay, waxa uuna fudaynaa tayaynta waxbarashada, kormeerka iskuulladda iyo qaadista imtixaanka midaysan.

up

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...