Golaha wasiirada uu digniin u diray Hey’adaha aan shaqeyn ee heysta ruqsadda

Date:

Muqisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda lagula dhaqamayo hay’adaha xafiisyada ku leh dalka dibaddiisa, Istaraatiijiyadda Soo-kabashada iyo kobcinta dawladnimada iyo Hantida Qaranka

Wasaaradda arrimaha dastuurka ayaa golaha warbixin ka siisay horumarrada laga gaaray qabya-tirka dastuurka, caqabadaha iyo fursadaha jira.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixinta kadib waxa uu wasaaradda ku ammaanay shaqada ballaaran, waxa uuna amar ku bixiyay in dhammaan dhinacyada wada-shaqaynta la leh wasaaradda ay fududeeyaan hawlaha ay qaybta uga yihiin qabyo-tirka dastuurka si guul looga gaaro ajandayaasha qaran dalkuna uu u helo dasruur dhammays-tiran.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay go’aan ay dhawaan soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo dhigayay in dhammaan hay’adaha dalka ka howl gala ee xafiisyada ku leh dalka dibadiisa ay gudaha dalka xafiisyo ka furtaan kuna shaqo billaabaan kahor Janaayo 01, 2019, hay’addii amarkaas u hogaansami waysana lagala laabanayo ruqsadda ay u haysato ka shaqayta Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay Istaraatiijiyadda Soo kabashada iyo kobcinta dawladnimada oo ay soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka ayaa Wasaaradda amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya ka dhagaystay warbixnta la xariirta  amniga guud ee dalka, iyo dardargelinta dadaallada lagu xasilanayo guud ahaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...