Golaha wasiirada uu digniin u diray Hey’adaha aan shaqeyn ee heysta ruqsadda

Date:

Muqisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda lagula dhaqamayo hay’adaha xafiisyada ku leh dalka dibaddiisa, Istaraatiijiyadda Soo-kabashada iyo kobcinta dawladnimada iyo Hantida Qaranka

Wasaaradda arrimaha dastuurka ayaa golaha warbixin ka siisay horumarrada laga gaaray qabya-tirka dastuurka, caqabadaha iyo fursadaha jira.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixinta kadib waxa uu wasaaradda ku ammaanay shaqada ballaaran, waxa uuna amar ku bixiyay in dhammaan dhinacyada wada-shaqaynta la leh wasaaradda ay fududeeyaan hawlaha ay qaybta uga yihiin qabyo-tirka dastuurka si guul looga gaaro ajandayaasha qaran dalkuna uu u helo dasruur dhammays-tiran.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay go’aan ay dhawaan soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo dhigayay in dhammaan hay’adaha dalka ka howl gala ee xafiisyada ku leh dalka dibadiisa ay gudaha dalka xafiisyo ka furtaan kuna shaqo billaabaan kahor Janaayo 01, 2019, hay’addii amarkaas u hogaansami waysana lagala laabanayo ruqsadda ay u haysato ka shaqayta Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay Istaraatiijiyadda Soo kabashada iyo kobcinta dawladnimada oo ay soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka ayaa Wasaaradda amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya ka dhagaystay warbixnta la xariirta  amniga guud ee dalka, iyo dardargelinta dadaallada lagu xasilanayo guud ahaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...