Bahda Waxbarashada oo soo Dhaweysay Barnaamijka Dowlada kula wareegeyso Iskuulada waaweyn

Date:

Muqdisho (SNTV) Aqoonyahanada iyo Ardayda Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay Talaabada ay Dowlada Soomaaliya kula wareegeyso Qaar ka mid ah Iskuulada waa weyn Dalka.

Mid ka mida Macalimiinta Wax ka dhiga Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sharaxaya Faa’iidooyinka ku jira in Dowlada ay la wareegto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

“Anigoo ka mid ah Macalimiinta Iskuulka Raage Ugaas waxaan aad iyo aad usoo dhaweynayaa in Dowlada ay la wareegtay ilaa iyo hada Toban Iskuul, inay Dowlada la wareegto ama la Midowdo Iskuuladaasi waxaa ku jira faa’iidooyin waa weyn waxaa ka mid ah in lasoo saaro Arday Tayo leh oo Dowladana ay ka warheyso Tayadooda”.

Qaar ka mid ah Ardayda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay Talaabooyinka Hormarka u ah Waxbarashada oo Dowlada Federaalka ay wado, iyagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed in Dowlada ay gacanta ku dhigto Iskuulada ugu waa weyn Dalka.

Maamulka Iskuulka Raage Ugaas oo sidoo kale nala hadlay ayaa Talaabadan Dowlada qaaday ku tilmaamay mid wanaagsan, iyagoona sheegay inay raali ka yihiin in Dowlada ay la wareegto.

“Arintaas way wanagsan tahay aniga waxaan wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowlada ka dibna jaamacadii Umadda oo Lacag la’aan aheyd, waxaan ka mid ahay dadka wax ku bartay Waxbarashadii lacag la’aanta ee Dowliga diyaar ayaana u nahay inaan la shaqeyno Dowladeena”.sidaas waxaa yiri Maamulaha Iskuulka Raage Ugaas Cabdi raxmaan Maxamuud Cali

Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaan iskuullada Dowladda u qeybisay Buugaagta Manhajka  ee dhawaan ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...