Ra’iisul Wasaare Khayre “Dowladnimadeennu waxa ay kusoo dhacday waddada saxda aheyd, waxa ayna u baahntahay in lagu ilaaliyo”

Date:

Muqdisho October 2 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay munaasabadda daah-furnaanta maaliyadda dalka ayaa xasuusiyay ummadda Soomaaliyeed in si isku filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in masuuliyad layska saaro shaqooyoinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aasaaska dawladnimada Soomaaliya oo waqti dheer Jihada ka lunsanayd ay hadda haleeshay waddo sax ah, hase yeeshee la taaganyahay bilaawga dariiqa saxan loona baahanyahay in waddadaas lagu taagnaado oo aan mar kale jihadu ka qaldamin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dawladda in ay ilaaliyaan ammaanada oo ay ka fogaadaan xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo joogtaynta sababihiin dariiqa wanaagsan ka leexiyay dawladnimada Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen laaluush, musuqmaasuq iyo qabyaalad.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in habka kaliya ee shaqo abuur loogu samayn karo dhallinyada Soomaaliyeed, ciidan xoog leh lagu dhisi karo, daynta looga cafin karo dalka ay tahay in la horumariyo dhaqaalaha, arrintas oo iyana ku xiran in musuqa lala dagaallamo iyo in shaqooyinka loo diro shaqsiyaad karti u leh, wasiir kastana uu wasaaraddiisa ka bilaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Barnaamijka daah-furnaanta maaliyadda oo ay hormuud ka tahay wasaaradda maaliyadda xukuummadda fedraalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed ay kula socdaan dakhliga dawladda soo gala, ilaha dakhliga iyo sida loo maamulo, maadaama shacabku ay leeyihiin hantida, muhiimna ay tahay in ay si daah-furan ula socdaan hannaanka loo maamulo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...