Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland oo kulan la qaatay Wafdigii ka socday Golaha Aqalka sare

Date:

Garowe (SNTV)– Madaxweyne ku-xggeenka dawlad goboleedka Puntland mudane C/xakiin Cabdullaahi Cumar oo maanta Qado sharaf u sameeyey  Xubnaha ka socda Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaaladda Garowe, ayaa xubnahaasi kala sheekeystay Xaaladda dalka iyo shaqadii ay u tageen halkaasi sida ay u socoto.

Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xubnaha Golaha Aqalka sare ka socda ee magaaladda Garowe u tagay xal u helida kala aragti duwanaanshiyaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Mudane C/xakiin Cameey Madaxweyne ku-xiggeenka Dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa Xubnaha Golaha Aqalka sare ka socday ku booriyey inaysan ka daalin howsha ay bilaabeen ee ah dhamistirka xalinta is afgaran waaga jira.

“Xubnihiina  Golaha Aqalka Sare ee BFS  ee gaaray dowlad goboleedyada haka daalina in aad howshan Dhamaystirtaan meelaha qaar adeeg waad kala kulmaysaan balse muujiya dhabar adeeg si waxa jira aad u Xalisaan” ayuu yiri Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland

Xubnaha Ka socday Golaha Aqalka Sare ayaa bilaabay Diyaarinta Qoraalka Xog Uruurinta Kulamadii Kala duwnaa ee ay La yeesheen Madaxda Puntland iyo qeybaha kala gedisan ee bulshadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...