Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabogabeeyey doodii ku saabsaneyd Xaaladda Amni ee dalka

Date:

Muqdisho (SNTV), Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaalada amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Kulanka waxa shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey), iyaddoo ay soo xaadireen 150 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in talooyinkii ay soo gudbiyeen Xildhibaanada loo gudbinayo guddiga amniga iyo guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa labada guddi faray iney la wareegaan oo ay ka soo shaqeeyaan arrimahaan ku saabsan amniga ee Xildhibaanada ay ka doodayeen labadii maalin ee la soo dhaafay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...