Kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha bulshada oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho September 19 (SNTV):-kulan   looga hadlayay Wadatashiga Siyaasada ilaalinta Bulshada ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho, waxaana   ka qeyb galay wakiilo matalayey Wadamada deeq bixiyaasha muslimka  ah, Hay’adaha gaarka loo leeyahay, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada Bulshada rayidka.

Waxaa barnaamijkaan iska kaashanayay wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha bulshada, Gargaarka iyo Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya, waxaana  su’aalo la iska weydiinayey habka loo wajahayo  sida dadka danyarta ah ee u nugul dhibaatoyinka looga samata bixin lahaa, looguna sameeyn lahaa maalgelin iyo shaqo abuur.

Mudane Maxamned Yuusuf Ibraahim ku-simaha Safiirka Dowlada Suudan u fadhiyo Soomaaliya ayaa sheegay in dadka danyarta la garab istaago, maadaama lagu guda jira bisha Seko, loogana faa’iideysto kheyrka ku jira.

“Waxaan habboon in dadka dan yarta ah loo gargaaro loogana faa’iideysto inta lagu guda jira bisha Seko, islmarkaana muuhimad gaar ah ay tahay in la caawiyo dadka u nugul dhibaatooyinka” Ayuu yiri Danjire Maxamned Yuusuf Ibraahim.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa  Saciid Xamsa ayaa xusay in Wasaaradda ay ka sheqeyso gargaarka iyo horumarinta dadka barkacayaasha ah, siyaasadda illaalinta bulshadana ay muhiim u tahay dadka barkacayaasha ah.

Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay qeyb weyn ku leeyihiin dhaqaalaha soo gala dalka, waxaana lagu qiyaasayaa lacagaha ay usoo diraan Eheladooda ku nool gudaha Dalka ku dhawaad Labo Milyan oo Dollar iyo lacago kabadan.

Sidoo kale intii uu kulanka socday Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lagu ammaanay shaqooyinka iyo fursadaha ay u abuureen qeybaha kala duwan ee Bulshadooda.

Hay’adaha gar gaarka ee ka howl galo gudaha Dalka ayaa la aaminsanyahay in sanad walba Soomaaliya ay ku bixiyaan lacago farabadan, hase ahaate meelihii loogu talagalay siddii loogu talo galay aan wax loogu qaban, waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen in ay ka go’antahay ogaanshaha iyo la socodka ilaalinta siyaasadda Bulshada danta yar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...