Hogaamiye kooxeed hore Congo oo laga mamnuucay murashax madaxweynenimo

Date:

 

Hogaamiye kooxeedki hore ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Jean-Pierre Bemba ayaa laga mamnuucay inuu ka qayb galo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi dhawaan ka dhici doonta.

Bemba oo ah siyaasi caan ah ayaa waxa horay loo soo taagay maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ee ICC iyada oo lagu soo eedeeyey inuu dambiyo dagaal uu geystay muddadi uu hoggaamiye kooxeedka ahaa.

Bemba wuu ku raja weynaa inuu iisu soo taago musharrax madaxweynanimada dalkaasi uga tartama doorashada bisha December dalkaasi ka dhaceyso.

Hase yeeshee, maxkamadda dastuuriga ee dalka Congo ayaa waxay soo saartay go’aan musharraxnimadiisa ay ku mamnuuceyo iyada oo sheegtay inuu yahay nin maxkamadda dambiyada dagaalka la soo taagay.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaa bilooyin ka hor ka noqotay xukunki ay ku qaadday Bemba ee ahaa inuu dambi galay, waxayna maxkamaddu sheegtay ineysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya inuu ninkan dambigaasi uu galay.

Go’aanka ICC kaddib kumannaan taageerayaashiisa ah ayaa waddooyinka Kinshasa isugu soo baxay si ay u muujiyaan farxddooda iyo taageerada ay u hayan Bemba.

Waxayna taageerayashiisu dalbadeen inuu dalkiisa hoyo dib ugu soo laabto siyaasaddana uu ku soo biiro.

Wuxuuna ugu dambeynti uu dib ugu soo laabtay magaalada Kinshasa bishi August si uu u billaabo abaabulka musharraxnimda madaxweynaha doorashada soo socotana uu uga qaybgalo.

Kumannaan qof oo safaf dhaadheer ku jirta ayaa sugeysay si ay u salaamaan balse hadda maxkamadda ayaa go’amisay inuu sharcigu uu u oggolaaneyn inuu musharraxnimo iisu soo taago.

Wakhti xaadirkanna Bemba tallaabbada uu ka qaadanayo go’aanka maxkamadda dastuurka Congo ay soo saartay weli lama garan.

Iyada oo doorashada Jamhuriyadda Dimuqradiga Congo (DRC) ka dhici lahayd muddo 2 sana ah hadba dib loo sii dhigayey ugu dambeyntina la go’aamiyey iney dhacdo bisha December ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...