Warshada kutaala Koonfur Afrik oo dad ay ku geeriyoodeen

Date:

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhacay qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac,kaasi oo sida la sheegay ka dhashey dab ka kacay Warshada kutaala Dalkaasi.

Inta la xaqiijiyay ilaa 8 qof ayaa ku geeriyootay tiro kale oo aan la shaacina waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi,waxaana uu saameeyey howlihii shaqo ee ka socda Warshadda.

Waxaa jira baadi goob ay Shaqaalaha dabdamiska ugu jiraan dad lagu tuhunsan yahay iney gudaha warashadda gubatay ku jireen xilliga uu qaraxa ka dhacayey, warshadda gubatay oo ku taalla duleedka magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika.

Sida uu warbaahint au sheegay Afhayeen u hadlay shaqaalaha dabdamiska ee Warshadaasi gubatay,dabka ayaa kacay gelinkii dambe ee shalay,waxaana qaraxaasi oo ahaa mid aad u xoogan aan la shaacin ilaa iyo haatan wax yaabaha sababay.

Waxaa lagu magacaabaa Warshadda gubatay Rheinmetall-Denel,taasi oo ay si wada jir ah u lahaayeen SHirkado laga leeyahay wadamada Koonfur Africa iyo Jarmalka.

Wararka ayaa sheega in Warshadda oo ah mid soo saarto hubka, bambooyinka iyo waxyaaba kale, ay isticmaalijireen ciidamada ammaanka Dalka KOonfur AFrika,halka qaarna loo iib geyn jiray daafaha caalamka.

Weli majiro war ka soo baxay hay’adaha ammaanka Dalka Koonfur AFrika eek u aadan qaraxa warshadaasi ka dhashey,balse waxaa weli soconaya gurmad iyo dabagalo ku saabsan waxa dhaliyay dabkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....