Shirka Afrika iyo Shiinaha oo maanta ka furmaya Beijing

Date:

Beijing-(SNTV)- Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha maanta waxaa ka furmaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano.

Shirkan ayaa wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay Dowladda Federalka Soomaaliya, marka laga eego dhanka fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

Madaxweyne Farmaajo oo maalmo kahor gaaray Beijing ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Shiinaha, waxayna ka wada hadleen dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wada hadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...