Safaaradda Kuwait oo dhiiri gelin u sameysay arday qalin bedelatay

Date:

Kuwait(SNTV) Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kuwait ayaa Xaflad ballaaran oo dhirogelin ah  u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabisay Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ee Dalka Kuwait.

Siihayaha Safaaradda Mudane Abiib Muse Faarax oo ay wehliyan Diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ayaa door libaax ka qaatay qabsoomida Xafladan, iyadoo Siihayahu uu khudbad u jeediyay Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay waaladiinta in ay xooga saaran tacliinta caruurta taas oo ballan qaaday in ay Safaaraddu gacan weyn ku siin doonto diiwaangelinta iyo deeqaha Waxbarashada Sare.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya ee Dalka Kuwait Mudane Maxamud Haji Ahmed Qumeyni oo isna Munaasabadda ka hadlay ayaa Safaaradda uga mahadceliyay sida qiimaha leh ee ay u soo agaasintay Xafladda iyo  adeegyada ballaaran ee ay u heyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kuwait.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...