Ra’iisul Wasaare Khayre oo ku Amray Wasaarada Amniga in ay dedejiso Siyaasadda Xakamaynta Qaxootiga soo gelaya Dalka

Date:

Muqdisho(SNTV): –Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga dalka soo gelaya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan.

Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka war-bixiyay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya.

Kadib xogta uu taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadahu siiyay golaha ayaa ra’iisul wasaare Khayre waxa uu faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa dhagaystay warbixin ay soo gudbisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryaynta oo khusaysay sidii siyaasad looga yeelan lahaa dhismaha xarumaha dawladda, waxaana ugu dambayn golohu isku raacay in wasaaradu ay mas’uul tahay bixinta qandaraasyada lagu dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...