Kuwait(SNTV) Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kuwait ayaa Xaflad ballaaran oo dhirogelin ah u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabisay Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ee Dalka Kuwait.
Siihayaha Safaaradda Mudane Abiib Muse Faarax oo ay wehliyan Diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ayaa door libaax ka qaatay qabsoomida Xafladan, iyadoo Siihayahu uu khudbad u jeediyay Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay waaladiinta in ay xooga saaran tacliinta caruurta taas oo ballan qaaday in ay Safaaraddu gacan weyn ku siin doonto diiwaangelinta iyo deeqaha Waxbarashada Sare.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya ee Dalka Kuwait Mudane Maxamud Haji Ahmed Qumeyni oo isna Munaasabadda ka hadlay ayaa Safaaradda uga mahadceliyay sida qiimaha leh ee ay u soo agaasintay Xafladda iyo adeegyada ballaaran ee ay u heyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kuwait.