Midowga Yurub oo ka hor yimid qorshaha Britain ee ka bixitaanka Midowga Yrub

Date:

EU(SNTV) 3, 2018 -:War ka soo yeeray Midowga Yurub ayaa lagu cadeeyey mowqifka ay ka qabaan qorshaha cusub ee Thresey May ee ka bixitaanka Midowga Yurub,iyadoo Dhexdhexaadiyaha sare ee ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub Michel Barnier uu si weyn uga soo horjeestay mowqifka Ra’isal wasaare Theresa May ay iska taagtay arrintan,taasi oo dhalisay muran xoogan.

Rai’isul wasaaraha Dalka Ingiriisa Theresa ayaa waxay sheegtay iney waxba iska beddeleyn mowqifkeeda ku aaddan ka bixitaanka Britain ee Europe,iyadoo haatan wada qorshe ay ku xoojinayso dhaqaalaha dalkeeda,waxayna xoojinaysa xiriirka Britain iyo Qaaradda AFrika iyo wadamo kale oo caalamka kamid ah.

Isagoo si weyn uga hadlayay qorshahaasi siyaasadeed ee fog ayuu Dhexdhexaadiyaha sare ee ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub Michel Barnier Barnier sheegay iney lagama maarmaan tahay iney dib ugu laabato qorshaheeda iyada oo aan eegeyn rabitaanka Yurub,isagoo intaasi ku daray in ilaa bisha Novermber ay socondoonaan wada hadaladaasi.

Miss Theresa May ayaa xusatsy in Britain iyo Midowga Yurub ay iisu diyaariyaan wadahadallada xiga ee ay yeelanayaan iney muujiyaan isku soo dhawaasho,inkastoo weli ay jiraan aragtiyo kala duwan oo dhanka siyaasadda ka bixitaankaasi iyo hanaanka loo marayo.

Jeremy Hunt oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Britain waxuu ka digay heshiis la’aanta ka bixitaanka midowga Yurub ee Britain ay yurub ku tahay khalad aad u weyn,iyadoo ay Hay’adda ganacsiga Adduunka (WTO) ay ku baaqday iney soo afjaraan heshiiskooda si ganacsiga labada dhinac uu u sii socda.

Tan iyo markii ay xilkaasi qabatay Miss May waxaa ay waday qorshayaal cusub oo ay ku hourmarinayso dhaqaalaha Britain si dalkeeda uu isugu filnaado,hadii uu si toos ah uga boxo Midowga Yrub,dad aad u badan ayaa walaac ka qaba saameynta ka dhalankarta arrintani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...