Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo ku howlan sidii loo kordhin lahaa Wax soo saarka dalka

Date:

Muqdisho(SNTV);-Si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Soomaliya ayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha Maamulka Maaliyadda waxey gudaha Wasaaradda ku qaabileen Saraakiil ka socotay qeybta taakuleynta ee ciidamadda Milateriga ee dalka Talyaaniga.

Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa wax soo saarka dalka iyo sidii qeybta taakuleynta ee ciidamadda Talyaaniga ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo hada uu dib u dhis ka socdo.

Saraakiisha ka socotay dalka Talyaaniga ayaa dhankooda ka mahadnaqay Soo dhaweynta wanaagsan oo ay kala kulmeen masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha, waxeyna ballan qaadeen  in ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha wasaaradda iyo gacan siinta beeraleyda soomaaliyeed.

Markuu kulanku soo dhamaaday kadib waxaa warbaahinta la hadlay Ku simaha agaasimaha Guud ahna agaasimaha Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Axmed Cilmi Waasuge, isagoona marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahay in xarunta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ku qaabilaan Saraakiil ka socotay qeybta taakuleynta ee ciidamadda Milateriga ee dalka Talyaaniga.

Gabagabadii Wasiir ku-xigeenka iyo Kusimaha agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa hadiyado ay ka mid ahaayeyn qaar kamida dalagyada kasoo kasoo go’a beeraha dalkeena ku wareejiyey saraakiishii ka socotay Dowladda Talyaaniga oo iyana dhankooda hadiyado kale gudoonsiiyey Mas”uuliyiinta iyo qaar kamida shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...