Ra’iisul Wasaare Khayre oo Amray Dardar-gelinta Nidaamka Casriga ah ee Diiwaan Gelinta Ciidanka

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo booqday dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhega-badan oo ay ka socoto diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka xoogga dalka ayaa saraakiisha shaqada loo xil-saaray ku amray in ay dardar-geliyaan si loogu guulaysto tira koobka ciidanka.

Saraakiisha loo xil saaray diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga war-bixiyay hannaanka ay u wadaan hawsha, waxa ayna u ballan qaadeen in ay dar-dar geliyaan fulinta qorshaha si waqtiga ugu habboon ay ugu soo gebagebeeyaan tirakoobka ciidanka.

Saraakiisha ku sugan dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhegabadan ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha u sheegay in ururka Kumaandoosta Danab lagu bilaabay diiwaan gelinta lana wadayo inta guud ahaan xogta ciidanka loogu kaydinayo habka casriga ah.

Nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta oo sahlaya in qof kasta ee lagu diiwaan geliyo xogtiisa lagu kaydiyo sida ugu habboon, ayaa dawladda ka caawinayaa tirada rasmiga ah ee ciidanka mileteriga iyo fududaynta xuquuqda ciidanka iyada oo loo marsiinayo akoonnada ay ciidanku ku leeyihiin bangiyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqday bangiga dhexe ee dalka isaga oo guddoonka bangiga kula dardaarmay ay sare u qaadaan hannaanka hubinta lacagaha bankiga ka baxaya iyo in lagu dadaalo in lacagaha baxaya la marsiiyo Akoonno si loo yareeyo lacagaha kaashka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...