Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo maanta Kormeeray Kawaanka Kalluunka ee Degmada Xamarweyne

Date:

Arbaco, August 29, 2018 Muqdisho (SNTV) Wasiirka cusub ee Wasaaraddda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa kormeer shaqo ku tagay Kawaanka ugu weyn ee Malaayga Degmada Xamarweyne, isagoona u kuur galay marxalada ay ku sugan yihiin dadka ka ganacsada Kalluunka, isagoona mid mid uga dhageystay Warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqa Suuqa.

Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Kalluunka Xasan Maxamed Rooble ayaa Wasiirka u sheegay in ay u baahan yihiin in la balaariyo Kawaanadda, si ay u gaarsiiyaan dhamaan Degmooyin ku yaala Gobalka Banaadir.

“Waxaan u baahannahay Kawaano badan si bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Duleedka Magaalada iyo Qaar ka mid Degmooyinka Gobolka uu u gaaro kalluunka si ay kalluumeysatada dhiiri galin ugu noqoto”

Wasiir Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in Wasaaradu ay ka shaqeyneyso Joojinta Maraakiibta Shisheeye ee sida sharci darada ah uga jalaabta Xeebaheena Soomaaliya si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysataan

“Waxaan la dagaaleynaa kuwa sida sharci darada uga kallumeysta Xeebaheena si Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ayu helaan fursadaha ugu badan waana ahmiyadeyna koowaad inaan hormarino Kalluunka hadii aan nahay Soomaali”ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa kaloo Wasiirku uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaaan sidii loo sameyn lahaa Kawaano aad u badan oo Shacabka u suurtgalin kara in Deegaanadooda ay ka iibsadaan Kalluunka.

Kalluunka waa qeyb ka mid Waxsoosaarka ugu badan Faa’iidada badan ee dalkeenu leeyahay, islamarkaana u baahan in kor loo qaado, Maalgelin balaaran lagu sameeyo, iyadoo xiligan inta badan dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaaleen kalluunka, waxaana Suuqyada waa weyn ee Maagalada Muqdisho ka ganacsiga kalluunka uu yahay mid ku xoogan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...