Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo bandhigay Habka Electroniga oo fududeynaya Maareynta Dacwadaha & Cadaaladda.

Date:

Arbaco, August 29, 2018 Muqdisho (SNTV) Munaasabad weyn oo lagu daah furayay Habka Electroniga ee dacwadaha uu hir geliyaay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer-ilaaliyaha Guud  Dr. Axmed Cali Daahir , Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyayaasha Maxkamddaha Rafcaanka iyo Gobolka Banaadir, ku xigeenada Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, Taliyayaasha Ciidanka Asluubta iyo Booliska iyo dhammaan Howl-wadeenada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guudee Qaranka.

Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, ayna ahmiyad gaar ah u leedahay Habka Electroniga ee dacwadaha Xafiiska xeer-ilaalinta.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa bogaadiyay Habkan cusub, isagoona sheegay in arrintan ay cadeyn u tahay horumarka badan ee laga gaaray dib u habeynta cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed  oo soo xiray Munaasabadda ayaa sheegay in hanaanka electroniga ah ee Maamulka iyo Maaraynta dacwadaha in uu qayb ka yahay dib-u-habeynta Garsoorka iyo Xoojinta isla xisaabtanka Garsoorka dhexdiisa si loo xaqiijiyo in ummadda Soomaaliyeed cadaalad loogu adeego.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...