Shir lagula Xisaabtamayo Hay’addaha Caalamiga ah oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Arbaco, August 29, 2018 Muqdisho (SNTV);- Ujeedada shirkaan wadatashiga ayaa ahaa siddii loo la xisaabtami lahaa hay’daha NGO-yada Caalamiga ah ee mashaaracida horumarineed  ka fuliyo gudaha dalka, kuwaasi oo fadhiigooda yahay wadanka Kenya.

Dawladda Soomaaliya, ayaa hey’addahaasi ku wargalisay in xarumahooda ay ka dhigtaan Soomaaliya, ayna shaqaaleysiiyaan muwadiniinta Soomaaliyeed, waxaana shirka si wadajir ah uu so qaban qaabiyey Wasaaradda Qorsheynta maalgashiga  iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Hay’adda isu-taga ururadda aan Dowliga aheyn.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga  iyo horumarinta dhaqaalaha  XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo daah furay shrikaan, ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii hay’addaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliya, iyaggoo ku shaqeynayo gudaha dalka.

“sababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hay’adaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.

Wasiirka,  ayaa xusay in aysan la shaqeyn doonin hay’adaha  xarumahooda aan aheyn gudaha dalka, ayna kala noqonayaan Ruqsada, isaggoo  faray dhammaan hay’adaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan awaamirta la faray.

“waa dhammaatay in hay’addaha sanadka cusub dalka dibadiisa ay kusii shaqeeyaan, dawladda Soomaaliya lama shaqeyn doonto haddii dalka gudagiisa aysan ku shaqeyneynin, waxyna kala noqon doontaa ruqsada shaqada” ayuu yiri Wasii Jamaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...