Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabk oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada

Date:

Muqdisho(SNTV);– Kulanka Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay kusimahaa Gudoomiyaha Golaha shacabka ahna Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka JFS ayaa waxaa looga hadlayay qorsheyaasha Golaha horyaala kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka oo dhowaan furmi doona.

Xubnaha Gudiga joogtada ah ayaa kulanka inta uu socday waxa ay soo bandhigeen ajendayaasha horyaala golaha kalfadhigan soo socda gaar ahaan kuwa hor tabinta leh.

Ugu dambeyn Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa go’aamiyay ama mudeeyay jadwalka Golaha lagu horkeenaayo shuruucda maraya heerarka kala duwan ee Akhrinta.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka geba gebadiisa waxyaabihii kasoo baxay, isagoo sheegay in xubnaha Gudiga ay ka doodeen sidii kalfadhiga afaraad marka uu furmo loo dar dar gelin howlaha golaha.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Gudiyada Golaha looga baahan yahay in ay soo dedejiyaan sharciyada horyaala ee loo soo gudbiyay, iyagoo kaashanaya qubarada kala shaqeysa xagga sharciyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...