Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirto samata bixinta Maxaabiista ku jira xabsiyada Tripoli

Date:

Muqdisho (SNTV) Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Saciid Faqi ayaa Qoraal kooban uu soo dhigay Baraha Bulshada wuxuu ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta caruurtooda ku xiran yihiin Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya in dagaalka ka socdo magalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi uu sababay in Albaabada loo furay qaar ka mid ah Xabsiyada ay ku jireen Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen iyadoo qaarkood ay soo gaareen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada si aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka ka socda Tripoli sida uu sheegay Cali Saciid Faqi.

Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...