Dowladda Federaalka Soomaaliya oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Muqdisho Stadium

Date:

Muqdisho, 27ka Ogosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.

“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”

Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada ee Garoonka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...