Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida Suudaan oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka dalka Suudaan Gen. Salah Abdalla Maxamed Gosh ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdiga Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida dalka Suudaan oo booqasho rasmi ah ku yimid.

Inta ay joogaan Wafdiga ka socda Dowladda Suudaan ayaa waxay kullamo kala duwan la yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Nabad sugida Soomaaliya iyo Madaxda Dowladda.

Dowladda Suudaan ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dib u dhiska iyo tababarada Ciidamada Qalabka,kuwaasi oo marar badan tababar ku soo qaatay dalkaasi.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka dalka Suudaan Gen. Salah Abdalla Maxamed Gosh ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdiga Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida dalka Suudaan oo booqasho rasmi ah ku yimid.

Inta ay joogaan Wafdiga ka socda Dowladda Suudaan ayaa waxay kullamo kala duwan la yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Nabad sugida Soomaaliya iyo Madaxda Dowladda.

Dowladda Suudaan ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dib u dhiska iyo tababarada Ciidamada Qalabka,kuwaasi oo marar badan tababar ku soo qaatay dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...