R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya David William Concar,waxayna kullankooda uga hadleen xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo horumarinta iskashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka  Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Concar   ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumaradda ay ka samaysay dhanka Dowladda wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida amniga ,

Dhanaca kale, Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xafiiskisa isla maanta kulan kula yeeshay xubno ka socday  Midowga Yurub,kaasi  oo looga hadlay  horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub  iyo Soomaaliya  ee ku aadan  Dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...