Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Macalimiin tababar ugu soo xirtay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV);- Xarunta jaamacadda Ummadda ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta tababar loogu soo gaba gabeeyay ilaa 100 Macallim oo wax ka dhigi doona dugsiyo ku yaala Gobolka Banaadir.

Tababarkan loo qabtay 100-kan macallim ayaa socday muddo 12 maalmood ah, waxaana mushaarka macalimiintan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona tababarkan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabadda lagu soo gaba gabeynayay tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliin Sare Soomaaliya Xassan Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka.

Macalimiinta tababarkan ka qeyb galay  ayaa ballan qaaday inay si hufan ugu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Madaxa tababarka macalimiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Cismaan oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmay macalimiinta  inay ka soo dhalaalaan howsha loo xil saaray.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa  sheegay in wasaaradda  ay ku kalsoontahay macalimiintan islamarkana looga fadhiyo inay ka soo baxaan howsha hortaala.

“Sidaad la socotan dhaqatar waxaa soo saara macalin, injineer waxaa soo saara macalin, siyaasi waxaa soo saara macalin, marka hadii tayada macalinka la hagaajin, intaas oo dhan ma soo baxayaan, hadda waxaa idin soo gaba gaboobay tababarkii 12-ka malmood idin socday, waxaa la idin tababaray manhajka cusub, manhajka annaga ayaa qornay faa’ido badan ayuuna u lee yahay bulshada Soomaaliyeed, wasaaradda rajo badan ayay idinka leedahay, taasoo micnaheedu yahay inaad ka dhabeyn doontaan howsha la idin igmaday” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Xassan Maxamed Cali.

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dalka islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...