Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab oo Biyaha Wabiga ku furay deegaano hoostaga degmada Qoryooley

Date:

Wararka naga soo gaarayo degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab Tuulooyin hoostaga degmadaasi ku fureen Biyo ka dhashay Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Kooxda Nabad-diidka ah ayaa ilaa iyo shan Tuulo oo hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku gooyay Biyaha,kuwaasi oo sababay in dad badan Guryahooda ay ka barakacaan,waxaana dadka barakacay dib u dejin loogu sameeyay degmada Qoryooley ee Gobolkaasi.

Sidoo kale,Biyaha ayaa saameyn ku yeeshay dalagyada ay dadka beeraleyda ah beerteen,kuwaasi oo gabi ahaanba biyaha ay baabi’iyeen.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Sayid Cali Ibraahim Xasan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in muddooyinkii danbe ay wadeen howlgalo ay ku baacsanayeen Kooxda argagixisada Al-Shabaab oo falal ay ku dhibaateynayaan dadka rayidka ah ka waday deegaano hoostaga degmadaasi,wuxuuna carabka ku adkeeyay.

“Muddooyinkii danbe waxaan wadnay howlgalo aan ku baacsaneynay cadowga Al-Shabaab oo la soo baxay dhaqan ah iney jaraan wadooyinkii fududeynayay isku socodka,waxayna hadda Biyaha Fatahaada Wabiga ku gooyeen deegaano hoostaga degmada Qoryooleey sida Mashalaay,farxaane iyo Gaawurow,”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qorooleey.

Sidoo kale,Guddoomiye Sayid Cali ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen qorshe ay argagixisada Al-Shabaab ku damacsanaayeen iney ku jaraan Buundo muhiim ah isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada hoostada degmadaasi.

Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab oo u babac dhigi waayay awooda Ciidamada Xoogga dalka ayaa u weecday dhibaateynta dadka rayidka ah,waxayna markasta ciidamada Xoogga dalka u taagan yihiin Difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...