Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo shaqadii ka joojiyey hawlwadeeno ka kala tirsan Maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.

Date:

Muqdisho(SNTV);-  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawlgala maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.

Shaqo joojinta ayaa  timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida sharcigu qabo, kadib markuu ku  qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.

” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan.

“Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf  Axmed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa faray Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iney amarkaan siduu yahay u fuliyaan.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee shaqada looga joojiyay Kaaliyeyaashan ka howlgalayay Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka ayaa qeyb ka ah balan qaadyadii uu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka,taasi oo ku aadan inuu dib u habayn dhammeystiran ku samayn doono Garsoorka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...