Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay xarumaha jaamacadda Ummadda sida Gaheyr iyo shabeelle ee magaalada Muqdisho.
Kormeerka wasiirka ayaa waxaa ku wehelinayay wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, iyagoo kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay jaamacadda Gaheyr.
Guddoomiyaha jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Maxamuud Jimcaale ayaa wasiirka waxbarashada mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo xubnaha la socday u sheegay in xilligan si habsami leh ay u socodaan howlaha waxbarasho ee jaamacadda.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimada koowaad ay siinayaan siddii loo horumarin lahaa jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dad badan ay wax ka barteen.
“Waxaan ku farxay howsha la qabtay, waxan rajeynayaa in muddo kooban horumar baaxad leh ku sameyn doonno, dhul badan oo ay laheyd jaamacadda ummadda ayaa dib loo soo celiyay, qaarna wali waa maqan yihiin, waxan rajeynayaa inay gacanta dowladda ku soo noqdaan, ahmiyada koowaad ayay noogu jirta siddii loo horumarin lahaa jaamacadda ummadda” ayuu yiri Wasiir Cabdulahi Goodax Barre.
Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya ayaa boggaadiyay howsha uu qabtay guddoomiyaha jaamacadda Umadda Dr Maxamed Maxamuud Jimcaale.