R/wasaare kuxigeenka Dalka oo Daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho

Date:

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):-Ra’iisul wasaare xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Qadar ) ayaa maanta daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho taasi oo sanadkiiba mar la qabto.

Bandhiga buugaagta oo sanadkii 4-aad lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Munaasabada lagu furayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow). Qoraayaal Soomaaliyeed iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo soo buux dhaafiyay Hoolka lagu qabanayay Bandhiga Buugagta.

Madasha uu ka dhacayay Bandhigani waxaa la isugu keenay buugaag kala duwan oo ay qoreen Aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaas oo ay kusoo bandhigeen Taariikhda Soomaaliya iyo Sheekooyin kala Duwan oo ay ka qoreen Marxaladaha kala duwan ee nolosha la xariira.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Eng Yariisow ayaa kormeeray qeybaha lagu soo bandhigay buugaagta la qoray isagoo iibsaday dhowr buug oo laga qoray Taariikhda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....