Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta oo Kormeer Kedis ah ku tegey Kontaroolada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale, ayaa Galabta iyo ilaa iyo Caawa waxay kormeero kedis ah ay ku mareen dhammaan Baraha kontarool ee laga soo galo Magaaladda Muqdisho iyo qaar ku yaallo gudaha Caasimada.

Kormeerka ayaa waxa uu ka bilowday Deegaanka Gubadley, Waxaana Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ay mareen goobo ay kamid ahaayeen Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Deyniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda, kuwaasi oo fadhiyo iyo Baro Kontarool ay u tahay Ciidanka ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, ayaa Ciidankii ku sugnaa goobihii ay kormeerka ku sameeyeen waxay ku boggaadiyeen shaqada adag ee ay hayaan, iyaggoo kula dardaarmay inay dardar geliyaan Howsha Qaranka ay u hayaan.

Kormeerkaan oo kedis ahaa, ayaa ujjeedka laga leeyahay waxa uu ahaa in Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta ay oggaadaan sida dhabta ah ee ay u shaqeynayaan Ciidanka Ammaanka iyo haddii ay jirto habacsanaan shaqo, taasi oo sahleysa in shaqada meelaha ay ka dabacsan tahay laga dhuujiyo, lana Abaal mariyo kuwa shaqada si wanaagsan u wada, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo Kormeerka maanta qeyb ka ahaa.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...