Wefdigii Eritrea oo booqasho loo geeyay Xeebta Liido

Date:

Muqdisho(SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta xeebta Liido kulan is xog-waraysi ah kula yeeshay wefdi balaaran oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax, Waxayna ka wada hadleen xaaladda labada dal iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeey Soomaaliya iyo Ereteriya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Madaxda Eritrea ugu warbixiyay xaaladda ee dalka iyo soo kabasdhada ay ku jirto Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ammaanka iyo horumarka dalku uu haatan meel fiican marayo.
Intaas ka dib Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa wakhti la qaatay shacabkii ku damaashaadayay xeebta liido, wuxuuna mid u salamay dhammaan dadkii goobta ku sugnaa, isagoona ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay u taageeraan dawladda iyo madaxdooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....