Talyaaniga oo Buundo soo duntay Khasaaro lixaad leh ka dhashay ‘Sawirro’

Date:

Talaado, 14, August, 2018, Muqdisho (SNTV) Buundada oo kutaala magaalada Waqooyi galbeed ee Genoa islamarkaana ay isticmaalaan gaadiidka ayaa burburtay, waxaana halkaasi ku geeriyooday ugu yaraan 35-qof kadib markii ay baabuurta maraysay buundada ay kusoo dhaceen dhulka, sida laga soo xigtay hay’adaha gurmadka deg-degga ah.

Muuqaal laga soo qabtay daqiiqadda ay masiibadan dhacday markii mid kamid ah munaaradaha hayay buundada ay soo ridday dabeeyl iyo roobab mahiigaan ah oo ka da’ay halkaasi.

Gawaarida iyo burburka ayaa kusoo dul dhacay 148-hiish gawaarida iyo dhismayaasha iyadoo qaar kamid ah ay ku dhaceen webi halkaasi kuyaala.

Samatabixiyeyaasha ayaa isku dayaya in ay dadka kasoo badbaadiyaan gudaha gawaarida burburtay iyo dhismaha buundada ee burburay.

Waxaana jirta cabsi laga qabo in qaybo kale oo kamid ah buundada ay soo dhacdo, taasi oo ay sababtay in qaar kamid dadka daganaa dhismayaasha ka agdhow buundada laga masaafuriyo, sida uu u wakaaladda Talyaaniga ee Ansa u sheegay mid kamid ah dadka ku shuqlan howlaha samatabixinta.

Matteo Salvini, oo ah wasiirka Arrimaha gudaha dalka Talyaaniga ayaa ballanqaaday in qofkii lagu helo inuu mas’uul ka yahay burburka buundada lala xisaabtami doono.

Wasiir Matteo Salvini ayaa waxa uu yiri, “Boqolaalo jeer ayaan ka talaabi jiray buundada,” “hadda, anigoo ah muwaadin Talyaani ah, waxaan sameeyn doonaa sdii aan kuheli lahaa magacyada iyo naaneeysyada maamulkii mas’uulka ka ahaa, kuwii hore iyo kuwa dambe, maxaa wacay ma ahan wax la aqbali karo in ay dad intaasi la’eg ay ku dhintaan Talyaaniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...