Wasiirka Cadaaladda xukuumada Soomaaliya oo Heshiis lagu Hormarinayo Garsoorka Dalka la Saxiixday UNSOM iyo UNDP

Date:

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-Waa barnaamij socon doona 2018 ilaa 2021 kaas oo loogu tala galay in lagu hormariyo garsoorka dalka oo mudooyinkan dambe dib u habeyn balaarani ay ku socotay waxaana wasaaradda gacan ka siinaya xafiiska UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ee Unsom iyo Hay’ada UN ka u qaabilsan Hormarinta ee UNDP.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN ka u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in uu yahay barnaamijkan mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Peter de Clerq ku xigeenka ergayga UNka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahad celiyay qaar ka mid ah dowladaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay.

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa beesha caalamka iyo qaar ka mid ah deeq bixiyaasha sida Sweden Netherlands iyo midowga Yurub oo door weyn kulahaa barnaamijkan suurta galintiisa hay’ado badan oo UNka ah ayaa ka qayb qaatay sidoo kale lkn doorka ugu weyn waxaa leh xafiiska UNka ee Soomaaliya iyo UNDP”ayuu yiri Mr Clerq .

Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka Dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hay’addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa,Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.

“Qorshahaan waxaa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahad celinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geestay UNka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee Unsom iyo UNDP waxaa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hay’addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga,gudiga la dagaalanka musuq maasuqa,Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale “ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda XFS

Wasiirka Cadaaladda ayaa sidoo Kale sheegay in ujeedku yahay helida Garsoor hufan oo bulshadu ku kalsoonaan karto, iyadoo ay Dhawaanahaan socotay dadaallo dib u habeyn loogu sameynayo Nidaamka Cadaaladda Dalka, waxaana xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamaddaha iyo Garsoorayaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...