Nin Soortiisa ka soo badbaadsaday goob uu howgal ka socday oo ku taalla magaalad Nairobi

Date:

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):- Mareegta NairobiNews ayaa qortay sheeko aad loo hadalhayo oo ka dhacday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, taasoo ku aabsan nin la cararaya dhowr KG oo soor uu kala soo baxsaday goob ay ka socotay howgallo ay sameenayeen ciidamada ammaanka ee Kenya.

Ciidamada ammaanka Kenya, ayaa labo toddobaad ka hor howgallo ka sameeyay xaafada isku raran oo ku yaalla deeganka Kilimani oo ka tirsan Nairobi, halkaasoo lagu burburiyey dhismayaal sharci darro ah.

Intii howgallada ay socdeen ayaa waxaa sawir qaade uu sawirro ka qaaday nin maskax badan oo la cararaya cadweyne oo soor ah ama Ugali oo ah raashin aad looga cuno Kenya, aadna u jecelyihiin.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadkii ku jiray dhismooyinka ay ku mashquulsanaayeen in ay badbaadiyaan waxyaabo muhiim ah si aan looga xadin ama looga burburin balse ninkan waxaa u muhiimsanaa soortaas ama Ugaalidaas uu ku qaadaneyey maalintaas oo karitaankeeda waqti ka galay.

Booliska Kenya, ayaa sheegay in ay burburiyeen 120 ganacsi oo ku yaallay dhismaha sharci darrada, waxaana howgalkaas lagu burburiyey in ka badan 100 dhisme.

Taliyaha hoggaaminayey howgalkan Peter Mbaya ayaa saxaafadda u seegay in ujeedka loo sameeyey howgalka uu qeyb ka yahay howgallo lagu burburinayey dhismooyinka sharci darrada ee ku yaalla caasimadda kuwaasoo saxmad iyo buuq ku keenay magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wadooyinka laga nadiifiyo goobaha sharci darrada ah ee lagu hayo ganacsiga sida qaadka, cuntooyinka wadooyinka lagu kariyo.

Si kastaba, sawirradan ninkan sita Soorta ama ugaalida waa kuwa aad looga hadalhayo waddanka Kenya gaar ahaan baraha bulshada waayo Kenyanku waa ay jecelyihiin soorta ama Ugaalida oo waa cuntada ay badi cunaan waana ay macaantahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...