Lacagta Liirada ee dalka Turkiga oo soo kabaneysa kadib hoos u dhac weyn oo laga dareemay

Date:

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-Bangiga dhexe ee waddanka Turkiga, ayaa Isniintii qaadday tallaabo uu kor ugu soo qaadayo lacagta dalkaas ee Liirada oo gaartay halkii ugu hooseesay 20% balse wax yer ayey sare kac ah sameesay maantadii horre.

Arrintan waxa ay horseeday in howlihii bangiyada Turkiga ay sidoodii u sii wataan iyadoo dalka laga dareemayo dhaqaale yari baahsan.

Cadaadiska soo fuulay lacagta Liirada, waxaa uga sii daray waddanka Mareykanka oo xukuumadda Washington canshuuraha ay ku soo rogtay badeecadaha ganacsiga ee ka imaanaya Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, ayaa sheegay in aan dalkiisa jilbaha u qabsan doonin cadadis uga yimaada Mareykanka.

Waxa uu yiri Turkiga ma ahan dal cagajugleen iyo cabsi wax looga qaadayo, waxa uu sheegay in ay qaadi doonaan tallaabada Washington.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna sheegay inuu sii socon doono dagaalka ganacsi ee ka dhex billowday waddamada Washington iyo Istanbul.Turkiga iyo Mareykanka ayaa kawada tirsan xulufada NATO, sidoo kale howgallo ay ka wadaan waddamo ku yaalla caalamka sida Afghanistan.

Erdogan ayaa sheegay in Mareykanka uu dhabarka ka tooganayo saaxibkiisa ay isla howlgalayaan.Turkiga ayaa weli xabsiga ku haya nin baadari ah oo u dhashay waddanka Mareykanka, kaasoo la sheegay in uu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee labo sanno ka hor ka dhacay waddanka Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa ku laba jiray canshuurta biraha Mareykanka u dhoofiyo Turkiga.

Si kastab, dadka wax fallanqeeye ayaa sheegaya in hoos u dhaca ku timid lacagta liiraha ee waddanka Turkiga ay sabab u yihii madaxweyne Erdogan iyo wiilka sodogga uu yahay ee ah wasiirka maaliyadda kuwaasoo raba maanta in ay xal u helaan dhibaatada dhaqaale ee dalka soo foodsartay.

Bangiyada Turkiga ayaa sheegay in maanta ay tallaabo qaadi doonaan si xal loogu helo lacagta liiraha ee hoos u dhacday.

Turkiga ayaa hadda mashaariic fara badan ee ku baxa malaayiin dollar ku bixiya waddamo ku yaalla caalamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya, mana cadda sida ay saameen ku yeelan doonto arrintaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...