Cristina Kitchner: Madaxweynihii hore ee dalka Argentina oo lasoo taagay Maxkamad

Date:

Talaado, 14, August, 2018, Muqdisho (SNTV) Madaxweynihii hore ee dalka Argentina Cristina Kirchner ayaa la horgeeyay maxkamadda dalkaasi si ay jawaab uga bixiso dacwad la xiriirta kiisas dhinaca musuqmaasuqa ah kuwaasi oo iyada kadhan.

Cristina iyo xubno katirsan maamulkeeda ayaa lagu eedeeyay in ay aqbaleen qaadashada lacago Malaayiin Dollar ah oo ay bixiyeen qaar ka mid ah ganacsatada dalkaasi .

Mrs Cristina Kirchner ayaa dhinaceeda ku andacootay in dacwadaha ka dhanka ah ay yihiin kuwo la doonayo in looga saaro tartanka doorashooyinka sanadka dambe ee ay isu diyaarineyso.

Qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Saraakiil horay uga tirsanaa Dowladda Argentina ayaa la dhigay xabsiga, kadib markii uu Wargeyska lagu magacaabo La Nacion uu 1-da bishani qoray warbixin uu kaga hadlaayo lacago Malaayiin dollar ah oo laaluush ah oo ay kala qaateen dad isagu jira Wasiirro iyo Ganacsato udhashay dalka Argentina.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...