Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Somalia oo dhagax dhigtay dhismaha Xarunta dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee degmada Cabadi Casiis

Date:

Muqdisho, Khamiis August 9 (SNTV);- Xaruntii hore ee Dabaasha iyo Teeniska Miiska ee degmada Cabdi Casiis ayaa waxaa maanta Mashruurca dhismaha Wajiga Koowaad ee xarunta dhalinyarada iyo Ciyaaraha dhagax dhigtay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhagax dhiga ayaa waxaa Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir,madaxda Xiriirada Ciyaaraha Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Cabdi Casiis ee Maamulka Gobolka Banaadir Sharmarke Maxamed Ladane ayaa sheegay in Maamulka degmada aad ugu farxsan yihiin dib u dhiska xarumaha degmada lagu sameynayo,isagoona soo dhoweeyay tallaabadan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti ayaa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya ku ammaantay dowrka ay ka qaadaneyso fursadaha lagu dhiira gelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Mashruucaan lagu dhisayo xarunta dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee degmada Cabdi Casiis ay tahay balan qaad horay ay u sameeyeen,islamarkaana fulintiisa hadda suurta gashay.

Waxay sheegtay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye muhiimada ay ka leeyihiin dhismaha xaruntaan iney tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada Cabdi Casiis ay helaan goob ay ku ciyaaraan si jirkooda u dhistaan una soo saaraan feker ka shaqeynaya horumarka dalka,waxayna Bulshada reer Cabdi Casiis ay ka dalbaday iney ka shaqeeyaan sidii xaruntaan u ilaashan lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...