Dhulgariir Sababey dhimashada  82-ruux oo ka dhacey jasiirada Lombok,Indo

Date:

Baaxada dhul gariirkan ku dhuftay jaziirada Lombok aya lagu sheegay qiyaastii in uu gaarey 6.9 sida ay sheegeen cilmi baarayaal u dhashay Mareykanku taasoo laga garan karo saameyntiisa  uu dhulgariirka ku reebay bulshada ku noolaa Jaziirada caanka ah ee Lombok.

Dhul gariir ku dhuftay jaziirada caanka ah  Lombok ee dalka Indonesia ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 82-Qof kuwaasoo ku noolaa jaziiradaasi loo dalxiis taggo ,sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Hay’adda Masiibooyinka e dowlada Indonesia War ka baxay aayaa lagu sheegay in dad gaaraya 82-ruux ay ku dhinteen dhul-gariirkan tiro intaasi ka badanna weli la la’yahay halka dhismayaal iyo Guryo waaweyn kumanaan guryo ahna ay ku burbureen dhul gariirka ku dhuftay jasiirada dalxiiseedka Lombok.

Madaxa Hay’adda Masiibooyinka Muhammad Rum Burburka guryaha iyo dilaaca dhulka ayaa sababay geerida tirada badan ee dadkan .

fariino iyo Digniino ayay dowladda Indonesia horay ugu soo saartay halista  dhul-gariirka iyadoona shacabka ka dalbatay in xiligaasi  ay u guuraan goobaha dhul taagga ah ee sahlan tahay in aysan saameyn badani ku yeelan dhulgariirarada

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...