indhashareerka oo laga mamnuucay Denmark

Date:

Sabti 4ta August 2018 (SNTV):-Haween Muslimad ah oo 28 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay oo lagu qaado sharcigii dowladda Denmark ee ay ka soo saartay Indha-shareerka.

Falkan ayaa ka dhacay goob lgau dukaameysto oo ku taalla magaalada Horsholm oo 25km ka xigta Dhaka waqooyiga magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

Booliska ayaa sheegay in looga yeeray xarunta laga dukaameysto kadib markii shaqaalaha meheradda ganacsi ay isku dhaceen haweeneyda sidatay Niqaamka oo diiday inay iska furto indhashareerka, waxana markii ay goobta soo gaareen boolisku ay baareen kaamirooyinka dadka lagula socdo ay arkeen haweeneyda oo loo sheegaya in iska bixiso indha shareerka, hadii ay diidana la dacweyn doono.

Haweeyneyda ayaa lagu ganaaxay lacag gaareeysa ilaa 1,000 kroner fine (Kun Koron Fine oo ah lacagta dalka Denmark) taasi oo u dhiganta 155 doolarka Mareykanka ah.

Sharcigan cusub ayaa la dhaqan galiyay Arbacadii aynu soo dhaafnay kadib markii baarlamaanka Denmark uu meel mariyay sharcigan bilowgii sanadkan 2018-ka, oo ah in qofkasta oo dadweynaha dhexdooda ku xirta maro wajiga qarinaysa la ganaaxi doono.

Arrintan ayaa keentay dibad baxyo rabshada wato oo ay dhigayaan shacabka dalka Denmark, kuwaasi oo ku tilmaamay inay tahay talaabo sharciga ka baxsan oo lagula dhaqmayo dad gaar ah.

Dibad baxayaa ayaa sidoo kale dhaleeceyn u soo jeediyey urururada xuquuqda aadanaha u dooda.

Hay’adda xuquuda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa dhacdadaan ugu dambeeysay ku tilmaamtay in tahay midab takoor.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...