Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golahaas

Date:

Sabti 4ta August (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulan la qaatay Guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka looga hadlay wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha Shacabka uga warbixiyay arrimaha la xiriira wax ka bedelka xeer hoosaadka uu goluhu kushaqeeyo, iyagoo si gaar ah uga hadlay qodobada u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maadaama xeer hoosaadka uu Goluhu ku shaqeeyo muhiimad uu yahay guddoonka iyo gudiguba ay xooga saari doonaan sidii wax Ka bedelkiisa looga shaqeyn lahaa.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...