Qalalaase iyo rabshado ka dhacay magaalada jigjiga

Date:

Muqdisho 4ta AUgust 2018 (SNTV);-bannaanbaxyo rabshado wato iyo xaalad kacsanaan ayaa lagasoo sheegayaa magaalada jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka somalida ee Ehiopia.

rabshada ayaa la sheegay inay ka bilowdeen kadib markii ciidamada ka tirsan dowlada federaalka Ethiopia  ay tageen magaaladaas arintaas shacabka ay ka dhiiidhiyeen.

dad badan oo kamid ah shacabka kudhaqan jigjiga ayaa isugusoo baxay waddooyinka Waxaana  waddooyinka lagu gubay taayaro, iyadoo la arkayey  qiic iyo uuro cirka isku shareeray,

Goob joogayaan ku sugan halkaas oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen bililiqo loogeysto goobo badan oo ganacsi oo halkaas kuyaalla.

ciidamada magaalada tagay ayaa la sheegay inay la wareegeen goobo badan oo muhiim ah sida xarunta parlamaanka, qaar kamid ah wasaaradaha looga arimo magaalada iyo xarunta TVga dowlada.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo muuqday ESTv isagoo u tacsiyaynaya dadkii ku waxyeeloobay rabshidihii maanta ka dhacay Jigjiga.

Madaxweynaha warkiisu aad u koobnaa ayaa dadka kula dardaarmay inay dhowraan hantida iyo amniga.

warar aan la xaqiijin baa sheegaya inay gudaha magaalada isaga baxeen ciidamadii milatariga ahaa ee saaka soo galay, lakiin wali waxay fadhiyaan hareeraha magaalada.

majirto illaa iyo hadda khasaare rasmi ah oo kadhashay rabshadihi maanta ka dhacay magaalada jigjiga hase yeeshee wararka waxay sheegeen in boqolaal dad ah ay kudhaawacmeen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...