Ololaha Isxilqaan oo Jimcihii labaad ka socda Muqdisho.

Date:

Muqdisho(SNTV):–Olalaha Isxilqaan ee 26-kii Luuliyo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa Jimcihii labaad oo xiriir ah ka socda magaaladda Muqdisho, waxaana saakay degmooyinka qaar ee Gobolka Banadir isugu soo baxay boqollaad dadweyne ah oo fulinaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in saacadaha todobaadkii labo saac iyo bar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay qabtaan shaqo Isxilqaan ah oo dalka dib loogu dhisayo.

Dadka saaka isu soo baxay ayaa ka shaqeynayay bilicda magaalada, iyaga oo hawl nadaafadeed ka qabtay waddooyinka muhiim ka ah ee Muqdisho, qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay dalkooda dib u dhiskiisa iyo hormarkiisa ay waqtigooda galiyaan.

Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada qaranka ayaa ka mid ah ahaa dadka saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan ee ka dhacay degmada Warta-nabadda, Aamino Siciid Cali Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada oo SONNA la hadashay ayaa sheegtay in maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyadu ay todobaadkii labaad ka qeyb qaadanayaan Ololaha Isxilqaan.

“Shaqaale iyo maamulba innaga oo fullineyna soo jeedintii Madaxweynaha ayaan u taagannahay todobaadkii labaad in ay ka qeyb qaadanno Isxilqaan, waxaana ku boorinayaa qof walba oo muwaadin ah in uu kaalintiisa muujiyo oo aan u midowno sidii dalkeena aan u hormari lahayn” ayay tiri Aamina Siciid Cali Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaadkii bishii Luuliyo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku xirnaan oo ay u istaagaan dib u dhiska dalka, waxa uuna ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan oo la doonayo in dib loogu dhiso goobaha danta guud, laguna hormariyo wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...