Guddiyada dib u eegista Dastuurka & Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo Federaaleynta Dalka oo kulmay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Guddiga dib u eegista dastuurka ee Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xalay kulan la qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta Dalka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka iyo ballaarinta hannaanka federaalaynta Dalka, waxanay iska xog wareysteen waxyaabihii u qabsoomay iyo qodobbada haatan hor yaalla.

Guddiga ayaa soo bandhigay Cilmi Baaris ay ku sameeyeen hab-raaca xudduudaha Dowlad Goboleedyada ,Degmooyinka iyo soohdimaha  Soomaaliya ay la wadaagto wadamada deriska la ah.

Guddomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta, khalliif Cabdikarin Maxamed , ayaa sheegay in kulanka laga soo saaray habka ugu wanaagsan ee lagu sameyn karo Magacaabista Degmo ama Gobol, taasi oo ku saleysan tira badnaashada Dadka, dhaqaalaha, xudduuda, iyo afti Dadweyne oo la qaado.

“waa wax loo bahanayahay in la ogaado xudduudaha Gobollada ,Degmooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya ay la leedahay Dalalka deriska ay la tahay iyadoo lagu saleynayo dastuurka Dalka ” ayuu yiri Guddoomiyhu.

Guddoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurta Labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya Senetar; Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa ku amaanay Guddiga shaqada waaangsan ay qabteen, isagoo sheegay in ay soo aqrin doonaan qodobbada baarsita ay ku sameeyeen.

”Waa idinku ammaanayaa shaqada aad qabateen, waana soo aqrin doonnaa qodobbada aad soo qorteen hadii sidaan marwalbo laysku kaashado waxay wax ku kordhineysaa dhameystirka Dastuurka KMG ah”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Qorshaha dhameystirka Dasruurka KMG ayaa ah in lagu dhameystiro inta ka harsan Sanadkaan, si Dalka uu u yeesho Dastuur buuxa, si Dalka uu u galo doorasho Qof iyo cod ah 2020-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

Taliyaha Taliska Tababarada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto...

Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...