UK oo bogaadisay Horumarada dhanka Siyaasadda iyo Amniga ee ka jira Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTV):- Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa maalintii talaalada soo gaaray magaalada Muqdisho,isagoona dib u xaqiijiyay balanqaadkii UK ee ahaa iney taageerto Soomaaliya si loo xaqiijiyo isbedel dhab ah oo ku saabsan Xagga Amniga,Siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Xoghayaha Difaaca UK,ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,isagoona ugu hambalyeeyay natiijooyinkii wanaagsanaa ee ka soo baxay Madashii iskaashiga Soomaaliya ee ka qabsoomay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka,wuxuuna si gaar ah farta ugu goday arrimaha Siyaasadda,horumarada loo qaaday dhanka wanaagga,qeybaha Ammaanka iyo waliba isdhexgalka ciidamada Gobolka ee lagama maarmaanka u ah dagaalka kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.

Sidoo kale,Xoghayaha Difaaca UK Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa la kulmay Hoggaanka AMISOM,waxayna ka wada xaajoodeen sida UK iyo AMISOM Soomaaliya kaga caawin karaan qorshaha KMG ah loona xoojin lahaa sidii ciidamada Xoogga dalka Amniga kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod),Waxayna kullankooda xooga ku saareen dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo iney awood u yeeshaan la wareegida Amniga dalka.

Ugu danbeyntii,Xoghayaha Difaaca Uk,oo booqashadiisii ugu horeysay ee ku yimaada Somaaliya ka hadlayay wuxuu yiri” ” Booqashadeydii ugu horeysay ee Soomaaliya Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Madaxweyne Farmaajo oo aan maqlo qorshayaashiisa iyo mudnaanta dowladda, waxaanan ka wada hadalnay sida aan u wada shaqayn karno si loo hagaajiyo amniga una keeno horumarka dhaqaale ee Soomaaliya u baahan tahay si loo hagaajiyo nolosha dadkeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...