UK oo bogaadisay Horumarada dhanka Siyaasadda iyo Amniga ee ka jira Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTV):- Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa maalintii talaalada soo gaaray magaalada Muqdisho,isagoona dib u xaqiijiyay balanqaadkii UK ee ahaa iney taageerto Soomaaliya si loo xaqiijiyo isbedel dhab ah oo ku saabsan Xagga Amniga,Siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Xoghayaha Difaaca UK,ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,isagoona ugu hambalyeeyay natiijooyinkii wanaagsanaa ee ka soo baxay Madashii iskaashiga Soomaaliya ee ka qabsoomay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka,wuxuuna si gaar ah farta ugu goday arrimaha Siyaasadda,horumarada loo qaaday dhanka wanaagga,qeybaha Ammaanka iyo waliba isdhexgalka ciidamada Gobolka ee lagama maarmaanka u ah dagaalka kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.

Sidoo kale,Xoghayaha Difaaca UK Rt.Hon Gavin Williamson,ayaa la kulmay Hoggaanka AMISOM,waxayna ka wada xaajoodeen sida UK iyo AMISOM Soomaaliya kaga caawin karaan qorshaha KMG ah loona xoojin lahaa sidii ciidamada Xoogga dalka Amniga kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod),Waxayna kullankooda xooga ku saareen dhismaha Ciidanka Xoogga dalka iyo iney awood u yeeshaan la wareegida Amniga dalka.

Ugu danbeyntii,Xoghayaha Difaaca Uk,oo booqashadiisii ugu horeysay ee ku yimaada Somaaliya ka hadlayay wuxuu yiri” ” Booqashadeydii ugu horeysay ee Soomaaliya Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Madaxweyne Farmaajo oo aan maqlo qorshayaashiisa iyo mudnaanta dowladda, waxaanan ka wada hadalnay sida aan u wada shaqayn karno si loo hagaajiyo amniga una keeno horumarka dhaqaale ee Soomaaliya u baahan tahay si loo hagaajiyo nolosha dadkeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...